DFS oo soo saartay Amar ku socda Shaqaalaheeda (Akhriso)

Wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaliya ayaa  hakisay isku imaatinka shaqaalaha iyo xaadirintooda si looga fogaado faafidda cudurka Covid-19.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda oo loo diray Shaqaalaha dowladda ayaa waxaa la faray dhamaan Hay’adah dowladda & Shaqaalaha rayidka in ay yareeyaan isku imaatinkooda ayna ku Shaqeeyaan Guryahooda, iyaga oo adeegsanaya Barahooda Internet-ka, hayeeshee Agaasimayaasha iyo inta aan laga maarmi Karin ay yimaadaan xarumaha Shaqada.