Farmaajo oo Shir ugu baaqay Madaxda Dowlad Gobaleedyada

Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, ayaa Shir ugu baaqay Madaxda DFS ee xil gaarsiinta ah, Madaxda Dowlad Gobaleedyada iyo Maamulka Gobalka Banaadir.

Shirka wada-tashiga Madaxda Soomaalida oo Farmaajo uu sheegay inuu qabsoomaya 18 – 19 Bishan, ayaa lagu qaban doonaa Magaalada Muqdisho, isagoona lagu dhameystiri doono talooyinka iyo xalka ay soo gudbiyeen Guddiga Farsamada Arrimaha Doorashooyinka ee ku shiray Baydhabo intii u dhaxaysay 15-16kii bishan Febaraayo waxa uu soo saaray go’aanadan.