Maxay ka wada-hadleen Guddiga TPEC & Ururada Siyaasadda ? (Sawirro)

Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland ayaa maanta Ururada Siyaasadda Puntland la qaatay kulankoodii bilaha ahaa ee xogta iyo talada lagu wadaagi jiray. Guddigu wuxuu Ururada uga warbixiyay hawlihii uqabsoomay bishii lasoo dhaafay iyo qorshaha hawlaha soo aaddan muddada dhow.

Ururadu waxay la wadaageen Guddiga talooyin ku aaddan shaqooyinkii qayb ahaan qabsoomay iyo sidii loosii hagaajin lahaa, sidoo kale waxay talo ka gaysteen taabbagelinta hawlaha soo aaddan.

Guddigu waxay kale oo Ururadda uqaybiyeen Qabyo-Qoraalka Buuga Tusmada Ururada oo u bidhaaminaya Ururada nidaamka iyo qaabka doorashada golayaasha deegaanku u qabsoomayso iyadoo la baahindoono buuga marka watashiga lagala leeyahay Ururadu soo dhamaado.

Ugu danbeyn Guddiga iyo Ururadu waxay iswaydaarsadeen doodo iyo talooyin muhiim u ah geeddisocodka hannaanka xisbiyada badan iyo qabsoomidda doorasho qof iyo cod ah oo Puntland ka hirgasha.