Sheekh Nuur Baaruud oo geeryooday

Allaha u naxariistee Sheekh Nuur Baaruud Gurxan, oo kamid ahaa culimada waa weyn ee Soomaalida ayaa ku geeryooday Isbitaalka Martini ee Magaalada Muqdisho.

Marxuum Sheekh Nuur Baaruud Gurxan ayaa maalmihii la soo dhaafay xanuunsanaa, waxana uu ku geeriyooday isbitaalka Martini oo ka mid ah isbitaalada magaalada Muqdisho, balse si gaar ah dadka uu soo rito cudurka Covid 19 lagu daweeyo.

Madaxda DFS ee waqtigoodu dhamaaday, Madaxda Dowlad Gobaleedyada, iyo Siyaasiyiinta mucaaradka ah ayaa si Wadajir ah uga tacsiyeeyay geerida Sheekh Nuur, iyagoo alle uga baryay inuu ka waraabiyo Janatul fardowsa.