Tababar loo furay cutubyo katirsan Ciidanka Booliska Puntland (Sawirro)

Wasiirka Amnigga iyo DDRta Dawladda Puntland Cabdisamad Mohamed Gallan, oo uu weheliyo Taliyaha Ciidamadda Booliska Puntland ayaa si rasmi ah, tababar ugu furay dugsigga Xorgoble Qardho, Cutubyo ka tirsan Ciidamadda Booliska Puntland, kuwaas oo lagga keenay Goboladda kala duwan ee Puntland.

Tababarkaan ayaa qayb ka ah, Hanaanka dib u habaynta ciidamadda dawladda kaas oo horay uu u balan-qaaday Madaxweyne Saciid Deni, ciidamadaa ayaa mari-doona, hanaan lagu saxayo xaquuqda aasaasigga ah ee askarigga, korna loogu qaadayo mushaharkoodda.

Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Gobolka karkaar, Cabdi-casiis Yuusuf Caamir, Taliyaha Ciidamadda Madaxtooyadda Degmadda Qardho, Cabdifataax Warsame Hiirad, Taliyaha Dugsigha Xorgoble, Burhaan Caanood, Saraakiil ka tirsan Taliska Sarre ee Ciidamadda Booliska iyo Masuuliyiin kale ayaa furitaanka tababar goob-joog ka ahayd.