XOG: Farmaajo oo lacag kala baxay Khasnada Maamulka Banaadir & Bangiga

Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, ayaa lacag kala baxay khasnada Maamulka Gobalka Banaadir, sida ay sheegayaan ilo xog-ogaal ah.

Wararka ayaa sheegaya in Madaxweyne Farmaajo uu kulan kula qaatay Madaxtooyadda Villa Somalia Guddoomiyaha Gobolka Banadir Cumar Maxamuud Maxamed (Finish) iyo Guddoomiye Ku Xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Cabdulqaadir Maxamed Maxamuud Caanabooro, isagoo weydiiyay cadadka dhaqaalaha ku jira khasnada Maamulka.

Cumar Finish iyo Caanaboore ayaa u sheegay Farmaajo inay ku jirto illaa 1.5 Milyan, isagoona intaas kaddib ka codsaday inay kusoo wareejiyaan Akoonkiisa gaarka ah, ayna aqbaleen.

Wararka ayaa intaas ku daraya in Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday DFS uu Lacag aan illaa hada cadadkeeda la ogeyn kala baxay Bangiga dhexe ee DFS.