Beesha Caalamka oo raali-galin siisay Midowga Musharixiinta

Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya kulan xasaasi ah oo Arbacadii dhexmaray Midowga Musharixiinta Doorashada iyo Wakiillada Beesha Caalamka ee jooga Soomaaliya, kaas oo lagu gorfeynayay xaalada Guud ee Siyaasadda iyo marxaladaha kala-guurka, maadama uu dhamaaday muddo xileedka Dastuuriga ahaa ee Madaxda iyo Hay’adaha DFS.

Midowga Musharixiinta ayaa intii uu socday kulanka dhaliilo adag u jeediyay Wakiillada Beesha Caalamka, iyagoo si gaar ah ugu qabowsaday tababar ay dhowaan Ciidanka AMISOM u qabteen Guddiga Doorashooyinka ee lagu muransan yahay.

Wakiillada Beesha Caalamka ayaa raali-gelin la bixiyay cabashada Midowga Musharixiinta, waxaana dhankooda ay ka codsadeen Midowga inuu banaan-baxa ay Jimcaha ku baaqeen uu noqdo banaan-bax nabadeed oo aan waxyeelin Amniga iyo Xasiloonida Soomaaliya.