DEG DEG: Ciidamo uu hoggaaminayo Gen. Indhacadde oo la wareegay Daljirka Dahsoon (VIDEO)

Ciidamada gaarka ah ee Midowga Musharaxiinta uuna hoggaaminayo Gen. Yuusuf Siyaad Indha-cadde ayaa goor-dhaweyd la wareegay jidad badan oo kamid ah kuwa Muqdisho iyo Taalada Daljirka Daahsoon.

Gen. Yuusuf Siyaad Indha-cadde oo saxaafadda kula hadlay Taalada Daljirka Daahsoon ayaa sheegay in uusan dalka ka jirin Maamul ka jira, Farmaajona uu la mid yahay Madaxweynayaashii hore ee dalka soo maray.

“Dalkaan wax maamul ah kama jiro, Madaxweynuhu wuxuu la midyahay Cabdi Qaasimka Masar jooga,Wasiiraduna anigoo wasiir hore ah ayey ila mid yihiin” ayuu yiri Gen. Indha-cadde.

Xaaladda Magaaladda Muqdisho ayaa hadda kacsan, Ciidamadda dowladda iyo kuwa Musharaxiinta ayaana meelaha qaar isku hor fadhiya.