DEG-DEG: Farmaajo iyo Rooble oo khilaaf cusub ka dhex bilowday

Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah Maxamed Xuseen Rooble, ayaa waxaa ka dhex bilowday Khilaaf weyn, sida ay sheegayaan warar lagu kalsoon yahay.

Khilaafka culus ee ka dhex bilowday Farmaajo iyo Rooble ayaa salka ku haya kala aragti duwanaan la xariirta go’aan laga soo saaro bannaan baxa, iyadoo Ra’iisul Wasaaruhu uu soo jeediyay in la ogolaado bannaan baxaas oo dowladdu ay qaadato doorkeeda sugidda amniga.

Sidoo kale, Farmaajo ayaa ka horyimid soo jeedintaas, waxaana dib loo dhigay war la filayay in laga soo saaro Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo ahaa Mowqifka Xukuumadda ee ku aadan bannaan baxa berri ay ku baaqeen Midowga Musharaxiinta.

Wixii kasoo kordha kala soco Idil News.