Gen. Odawaa Yuusuf oo waji gabax kala kulmay Shariif iyo Xasan Sheekh

Madaxweynayaashii hore ee Dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed ayaa iska diiday dalab uga yimid Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Gen.  Odawaa Yuusuf Raage, kaas oo la xariiray inuu la kulmo.

Xasan Sheekh iyo Shariif ayaa u sheegay Gen. Odawaa Yuusuf in aysan jaanis u heyn la kulankiisa, iyagoo sidoo kale tibaaxay in loo baahan yahay in uusan ku mashquulin Arrimaha Siyaasadda, ee uu Xoogga saaro la dagaalanka Argagixisada.

Siyaasiyiinta iyo Masuuliyiinta xilalka ka haya Dowladda waqtigeedu dhamaaday ee kasoo jeeda Muqdisho ayaa maalmihii u dambeeyay wajahayay culeys uga imaanaya Farmaajo, si ay u hakiyaan bannaan-bax berri ka dhacaya Taalada Daljirka Daahsoon.