Mareykanka oo u digay muwaadiniintiisa ku sugan Soomaaliya

Muwaadiniinta Maraykanka ah ee ku sugan Muqdisho ayaa waxaa looga digay in ay ka ag-dhawadaan goobaha ay musharixiinta u qorsheeyeen ay ka dhacaan bannaanbaxyo nabadeed oo lagaga soo horjeedo Dowladda Soomaaliya.

Qoraal kasoo baxay Safaaradda Mareykan ee Soomaaliya ayaa digiin culus loogu jeediyay Muwaadiniinta u dhashay dalkaasi, waxaana looga digay in ka ag-dhawaadaan Bannaanbaxa la filayo in u ka dhaco muqdisho.

Safaaradda Dalka Mareykanka ayaa sidoo kale muwaadiniinteeda u jeedisay tallooyin ay ka mid yihiin inay ka fogaadaan goobtaasi lagu bannaanbixi doono, waxaana laga cabsi qabaa rabshado in ay ka dhashaan bannaanbaxa sida lagu sheegay qoraalka kasoo baxay Safaaradda Mareykanka.

Midowga Musharixiinta Soomaaliya ayaa hore u sheegey in Bannaanbaxa ay ku dhawaaqeen uu dhici doono, waxaana Madaxda waqtigoodu dhamaaday ay soo saareen amaro culus oo ku aaddan isku imaanshaha, kuwaasi oo laga cabsi qabo in ay saameyn ku yeeshaan Bannaanbaxa loo badalsan yahay.