QM oo markale ku baaqday in laga heshiiyo doorashada Soomaaliya.

Iyada oo weli aan heshiis rasmi ah laga gaarin arrimaha doorashada ayaa waxaa jira walaac xoogan o ay muujinayaan xubnaha Beesha Caalamka ee taageerada siiya Soomaaliya.

Kaaliyaha Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay ee arrimaha Siyaasadda iyo Nabadeynta Rosemary A. DiCarlo ayaa sheegtay inay lama huraan tahay doorashooyin loo dhan yahay, waxaana ay ugu baaqday madaxda Soomaalida inay dib u bilaabaan wadahadallada doorashada.

“Soomaalidu waxay waddo dheer u soo mareen xasilinta dalka iyo u dhigista dhabbaha nabad waarta iyo dimuqraadiyad Doorashooyin loo dhan yahay waa lama huraan. Waxaan ka codsanayaa madaxda Soomaalida inay dib u bilaabaan wadahadalka waxaanan ku celinayaa taageerada buuxda ayay tiri” Rosemary A. DiCarlo.

Shacabka Soomaliyeed & Beesha Caalamka ayaa ka war sugaya shirka wadatashiga Madaxda dowladda , dowlad gboleedyada iyo Gobolka Banaadir, kaas oo ay uga hadlayaan cqabadaha hortaagan qabashada doorasho la isku raacsan yaha