Qorshaha Amniga iyo badqabka Mudaaharaadayaasha Jimcaha

Maalinimada berrito ah oo Jimce ah ayaa lagu wadaa inuu magaalada Muqdisho ka dhaco Banaan-bax balaaran oo looga soo hor-jeedo Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday Maxamed C/llaahi Farmaajo, kaas oo ay baaqeen Midowga Musharixiinta.

Halkaas Hoose ka Akhriso qorshaha banaan-baxa.

Waxaa la Diyaariyay Dad Gaaraaya ilaa 6-Kun oo Qof.

Waxaa la Diyaariyay 8-kun oo waji Xir Ama Face Mask.

Waxaa la Diyaariyay 8-kun oo Sali Salaada Jimcaha lagu Tukado .

Waxaa khudbada Salaada Jimcaha meesha layiraahdo Daljirka Dahsoon ka Akhrinaya Madaxweynihii hore Somaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed isagaana Salaada Jimcaha Dadka Tujinaya.

Amniga yaa sugaya ?

Tirada Guud ee ciidamada amniga loo diyaariyay marka la isku Geeyo waxay noqonaaysaa 450 Askari.

Waxaana loo qaybsaday sida loo kala Ciidan badan yahay….

1.Shiikh Shariif Shiikh Axmed
2.Xassan Shiikh Maxamud
3.Cabdiqaadir Cosoble Cali
4.Xasan Cali Kheyre

Tirada Guud ee Gawaarida Dagaalka ee Amniga sugaysa waa 22 oo aysan ku jirin Gawaarida loo yaqaano Qooqan Dul Banaan iyo Gaariga aan Xabadu karin ee loo yaqaano V8.

Jibril Qoobey.