Sheekh Shariif oo ka hadlay weerarka Ciidanka Dowladda ku qaadeen

Madaxweynihii hore ee Dalka Shariif Sheekh Axmed, ayaa ka hadlay weerar caawa lagu qaaday Horelka Maa’ida Ex Naasohablood 2 oo degan yihiin Madaxweynayaashii hore iyo qaar kamid ah Midowga Musharixiinta.

Shariif Sheekh Axmed ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ee DFS Maxamed C/llaahi Farmaajo inuu soo amray weerarkan.

“Waxaan umadda Soomaaliyeed u caddeynayaa in weerar gardarro ah ay nagu soo qaaday dowladda, iyagoo kusoo duulay Hoteelka Maa’ida oo aniga, Madaxweynihii hore Hassan Sheikh Mohamud iyo xubno kamid ah midowga murashaxiinta aan deganahay” ayuu yiri Shariif Sheekh Axmed.

Shariif Sheekh Axmed ayaa intaas ku daray “Weerarka waxaa amray Madaxweynaha waqtigiisu dhamaadey ee Maxamed Farmaajo isagoo doonaya in uu na caburiyo. xoogna uu ku muquuniyo shacbiga Soomaaliyeed ee doonaayo in aragtidooda udhiibtaan si nabad ah”.