VIDEO: Sanbaloolshe “Banaan-baxan waa kii lagu muuji lahaa Tabar-yarida Rajiimka”

Agaasimihii hore ee Hay’adda Nabad-sugida iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) Cabdullaahi Sanbaloolshe, ayaa ugu baaqay Shacabka magaalada Muqdisho inay u soo bannaan-baxaan iska qabashada Kaligii-taliska iyo ilaalinta Dastuurka iyo Dilmuquraadiyadda.

“Qof kasta oo Muqdisho ku nool waa in uu saligiisa soo qaataa una soo tukadaa Barxada Daljirka Dahsoon, Banaan baxan waa kii lagu muuji lahaa Tabar yarida Rajiimka, awooda yar ee ismahadiyay” ayuu yiri Sanbaloolshe.