VIDEO: Wararkii ugu dambeeyay ee bannaan-baxa Muqdisho

Madaxweynayaashii hore Soomaaliya Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif oo xalay degay Hotelka Naasahablood 2 oo ku dhow Madaxtooyada Villa Somalia, ayaa wada abaabulkii ugu dambeeyay bannaan baxa jimcaha oo ka dhan ah Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday ee DFS Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Hotelka Naasahablood 2 oo ku dhow yahay Taalada Daljirkq Dahsoon oo loo balansan yahay in jimcaha uu ka dhaco bannaan baxa, ayaa waxaa amnigiisa la wareegay Ciidamo taabacsan midowga Musharixinta.