Xasan Sheekh iyo Shariif oo degay agagaar Villa Somalia iyo Abaabulka banaan-baxa

Madaxweynayaashii hore ee dalka Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa xalay degay Hotelka Naasahablood-2 oo ku dhow Madaxtooyada Villa Somalia.

Madaxweynayaashii hore ayaa Hotelka Naasahablood 2 ka abaabulaya bannaan baxa jimcaha berri ah ka dhici doona Magaalada Muqdisho, waxaana Hotelka uu ku dhow yahay Taalada Daljirka Dahsoon oo loo balansan yahay in jimcaha uu ka dhaco bannaan baxa.

Ciidamo fara badan oo ilaalo u ah labada Madaxweyne hore ayaa la wareegay ammaanka Hotelka iyo nawaaxigiisa.

Madaxda waqtigu ka dhamaaday ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wada Dadaalo ay doonayaan inay ku baajiyaan banaan-baxa, iyadoo qaar kamid ah Wasiirada xil gaarsiinta ah iyo Taliyayaasha Ciidanka Booliska iyo Xoogga dalka ay Arbacadii ku dhawaaqeen inaan la banaan-bixi karin.