Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay dagaalka ka socda Muqdisho

Madaxweynihii hore ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ku eedeeyay Ciidanka Dowladda inay weerar kusoo qaadeen Hotelka Maa’ida Ex Naasohablood 2 oo degan yihiin isaga, Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed iyo qaar kamid ah Midowga Musharixiinta Doorashada.

Xasan Sheekh Maxamuud oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Facebook ayaa nasiib darro ku tilmaamay weerarka lagu soo qaaday Hotelka ay degan yihiin.

“Ciidanka dowladda ayaa caawa weerar ku soo qaaday hotel Maida oo aan ku sugannahay aniga & madaxweynihii hore Sharif Sheikh Ahmed.
Waa nasiib darro in madaxweynaha xilkiisu dhamaaday daadinayo dhiigga muwaadiin isu diyaarinayo bannaanbax nabadeed oo ay aragtidooda ku cabbirayaan” ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud.