XFS oo war ka soo saartay dagaal ka dhacay Muqdisho

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xil-gaarsiinta ah ayaa qoraal ay ku baahisay Warbaahinta afka Dowladda ku hadasha ku sheegtay inay Ciidanka Dowladda la dagaalameen Maleeshiyaad hubeysan.

Halkaan Hoose ka Akhriso Qaraal lagu baahiyay baraha Bulshada ee Warbaahinta Dowladda.

Malleeshiyaad hubaysan ayaa caawa saacadda markay ahayd 1dii habeenimo (1am)soo weeraray baraha Ciidamada Qalabka Sida ay ku leeyihiin qaybo kamid ah Caasimadda Muqdisho.

Sarkaal u hadlay malleeshiyadaas ayaa caawa fiidkii hore warbaahinta u sheegay in ay weerar ku yihiin xarumaha Dowladda isla markaana ay qabsadeen qaybo kamid ah Muqdisho. Ciidamada Qalabka Sida markaa kaddib waxay galeen heegan buuxa.

Maleeshiyadaasi la soo abaabulay mardhoweyd ayay weerarkii la filayey ee ay sii sheegteen ku soo qaadeen barihii ay ku sugnaayeen Ciidamada Qalabka Sida. Ciidamada Dowladdu way iska difaaceen weerarkaas la soo qorsheeyey, waanay ka guuleysteen maleeshiyadii weerarka soo qaadday.

Faahfaahinta weerarka la inagu soo qaaday gadaal ayaanu idinkala soo wadaagi doonnaa.

Wasiirka Amniga Gudaha
Xasan Xundubey Jumcaale