Ciidanka Puntland iyo maleeshiyo ku dagaalamay Gardafuu

Ciidammada PMPF Dowladda Puntland iyo kuwa Madaxtooyadda Puntland ayaa weerar ku qaaday saaka Maleeshiyaad go’doomiyay deegaano kamid ah Gobalka Gardafuu.

Ciidanka Puntland iyo Maleeshiyaadka ayaa ku dagaalamay dalcada Lafagoronyo, iyadoona Ciidanka ay u suuragashay inay jabiyaan maleeshiyaadka oo muddo maalmo ah go’doon galiyay deegaano kamid ah Gobalka Gardafuu. Sidoo kalena kala wareegay Hub, Saanad Ciidan iyo Gaari uu saad u saarnaa.

Halkaan Hoose ka Akhriso War-saxaafadeed ay baahiyeen Ciidanka PMPF Dowladda Puntland.