Duulimaadyada diyaaradaha Caalamiga ee Muqdisho oo la joojiyay

Wararka ka imaanaya Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Shirkadaha diyaaradaha ee duulimaadyada Caalamiga ah ka sameyn jiray Garoonka diyaaradaha Muqdisho ay gabi ahaana joojiyeen duulimaadyadoodii.

Shirkadaha Diyaaradaha caalamiga ee Turkish Airlines, Ethiopian Airlines iyo Uganda Airlines ayaa baajiyay duulimaadkooda maalinta berri oo sabti, sababo la xiriira shaqaaqooyinkii 24-kii saac ee la soo dhaafay ka dhacay Caasimada Muqdisho.

Magaalada Muqdisho ayaa wajahaysa mowjado dagaal, kaddib weeraro is dabajoog ah oo Ciidammo ka amar qaata Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday Maxamed C/llaahi Farmaajo ku qaadeen Madaxweynahaashii hore ee Dalka iyo Bannaan-baxayaal ay hoggaaminayeen Musharixiin uu kamid yahay Ra’iisul Wasaarihii hore ee XFS Xasan Cali Khayre.