Jubbaland oo ku eedeysay Farmaajo dagaalada Muqdisho

Dowlad Gobaleedka Jubbaland ayaa si adag uga hadlay dagaaladii saacidihii lasoo dhaafay ka dhacay magaalada Muqdisho, waxaana ay Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ku eedeysay inuu si sharci0-darro ah u adeegsanayo Ciidanka Dalka.

“Dowlada Jubaland waxay nasiib daro u aragtaa in Dowlada Federaalka ah ee wakhtigeedu dhamaaday, iyadoo awoodi kartay in ay ka shaqayso sidii xal siyaasadeed looga gaari lahaa kala duwanaanshaha afkaaraha, inay qaaday tallaabooyin gurracan oo ay ciidankii dalka u isticmaashay si ka baxsan sharciga, si lamid ah siday ka samaysay Gobolka Gedo”.