Kheyre oo ka hadlay weerarka lagu qaaday Shariif iyo Xasan Sheekh

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre, oo qoraal ku daabacay bartiisa Facebook ayaa si adag ugu hadlay weerar caawa ay Ciidanka Dowladda ku qaadeen Hotelka Maa’ida Ex Naasohablood 2 oo ay degan yihiin Madaxweynahaashii hore ee Dalka Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud.

Halkaan Hoose ka Akhriso qoraalka Xasan Cali Khayre.

Weerarka caawa saqdii dhexe lagu qaaday hotelka ay magaalada Muqdisho ka deganyihiin Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif Sh Axmed, iyo Guddoomiyihii hore ee Golaha shacabka, Shariif Xasan Sheekh Aadan, waa bilowga natiijada siyaasadda xukun isku dhajinta ah ee aan ka digeynay dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay. Waana ibafurka farriimahii xambaarsanaa dhiilada colaadeed ee maalmihii tagay kasoo yeerayay hey’addaha dowlada ee muddo xileedkoodii dastuuriga ahaa uu dhamaaday.

In mas´uuliyiin iyo shacab Soomaaliyeed weerar toos ah oo xabado loo adeegsaday lagu qaado, naftooda iyo maalkoodana halis la galiyo, si looga hor istaago ku muujinta dareenkooda si nabad ah, iyaga oo gudanaya waajibkooda muwaadinimo iyo xuquuqdooda dastuuriga ah, waa arrin si xilkasnimo la’aan ah loogu bareeray in masiirka dalka lagu burburiyo.

Guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, waxaan ugu baaqayaa inay adkeeyaan midnimadooda bulsho, ayna si wadajir ah meel uga soo wada jeestaan xukunka ku dhisan kali-talisnimada ee dhaxalkiisa aan horey usoo aragnay.