Midowga Afrika oo war kasoo saaray dagaalada Muqdisho

War-saxaafadeed kasoo baxay Midowga Afrika ayaa looga hadlay dagaalo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay Magaalada Muqdisho, kuwaas oo u dhexeeya Ciidamo ka amar qaata Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ee DFS iyo Ciidan daacad u ah Midowga Musharixiinta.

Midowga Afrika ayaa sheegay inay si dhow ula socdaan in dagaal uu Muqdisho ku dhex maray labo ciidan oo ka wada tirsan xoogga dalka Soomaaliyeed, iyagoo ku amray ciidamada AMISOM inay dhexdhexaad ka noqdaan arrimaha socda isla markaana ay joojiyaan socodka iyo dhaqdhaaqa.

Ugu dambeyntii, Ciidanka AMISOM ayaa la faray in ay ku shaqeeyaan awoodaha lasiiyey, oo ay ilaaliyaan hantida iyo nafta kuwa ka tirsan AMISOM iyo meelaha ay ilaaliyaan sida Villa Somalia, haddii awood laga maarmi waayana ay awood macquul ah adeegsadaan.