Puntland oo cambaareysay dagaaladii ka dhacay Muqdisho

War-saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyadda Dowladda Puntland ayaa si adag loogu cambaareeyay dagaaladii saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay magaalada Muqdisho, kuwaas oo u dhexeeyay Ciidammo kala taabacsan Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ee DFS Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Midowga Musharixiinta.

“Dowlada Puntland waxa ay isha ku haysay waxa ka dhacayay xalay saqdii dhexe iyo Saaka aroortii Magaaladda Muqdisho, waxaa wax laga xumaado ah in iyadoo la sugaayo doorasho ka dhacda Dalka ay timaado falal abuuri kara qalalaaso iyo xasilooni daro ka aloosanta dalka oo weliba ay qayb ka noqdaan ciidamada qalabka sida ee loo diyaariyey in ay dhowraan karaamada iyo sharafta muwaadinka Soomaaliyeed”.

“Waxaan ugu baaqaynaa dhammaan masuuliyiinta dalka in uu caqligu taliyo oo aan dhiig loo daadin kala aragti duwanaan siyaasadeed iyadoo lagu xaliyi karo sifooyin kale oo ka haboon. Lana iIlaaliyo dimuqraadiyadda curdunka ah ee aynu haysano, fursadna aan loo siin ururada argagixisada in ay helaan siyaabo ay ugu soo noqdaan magaaladda Muqdisho oo ay dhibaatooyin uga geystaan”.