Qaar kamid ah Siyaasiyiinta Soomaliyeed oo cambaareeyay falalka uu ku kacayo Farmaajo

Siyaasiyiinta Soomaaliyeed ayaa si adag uga hadlay weerarada saacadihii lasoo dhaafay at Ciidan ka amar qaata Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ee DFS ku qaaday Madaxweynayaashii hore ee Dalka iyo Banaan-baxyaal ay hoggaaminayeen Musharixiin uu kamid yahay Ra’iisul Wasaarihii hore ee XFS Xasan Cali Khayre.

Wasiirkii hore ee Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Dowladda Puntland Cabdiraxmaan Salaad Jowle, ayaa nasiib-darro ku tilmaamay weerarka xalay lagu qaaday Madaxweynayaashii hore ee Dalka.

Agaasimihii hore ee Xasfiiska Ra’isalwasaaraha Burhaan Dio Mio oo canbaareeyay weerarkii xalay kagu qaaday Sharaftii Somalinimada ee labada Madaxweyne iyo Banaanbixii Dimuqraadiyada ee saakay.