Qaramada Midoobay oo ka hadasha xaalada kacsan ee Muqdisho

Qaramada Midoobay ayaa walaac ka muujisay weerarada saacadihii u dambeeyay ka dhacayay Magaalada Muqdisho, kuwaas oo Ciidanka Dowladda ku qaadeen Madaxweynahaashii hore ee Dalka iyo Banaan-baxyaal ay horkacayaan Musharixiin uu kamid yahay Ra’iisul Wasaarihii hore ee XFS.

War-saxaafadeed kasoo baxay Qaramada Midoobay ayaa lagu yiri “Qaramada Midoobay waxa ay aad uga walaacsan tahay iska horimaadyadii hubeysnaa ee Muqdisho ka dhaca xalay iyo saakay oo jimco ah”.

Sidoo kale, Qaramada Midoobay ayaa ugu baaqday dhinacyada inay deganaan muujiyay, ayna Durango wadada wada-hadalka.

“Waxa ayna ugu baaqeysaa deganaan iyo is xakameyn dhinacyada ay khuseyso, waxa ayna boorrineysaa in ay furnaato waddada wadahadalka si loo yareeyo xiisadaha”

Qaramada Midoobay ayaa intaas ku dartay “Waxa ay muujinayaan isku dhacyada ka dhacay caasimadda sida loogu baahan yahay in degdeg loogu qabto kulan ay isugu yimaadaan Madaxda Dowlada Federaalka iyo kuwa Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Federaalka si ay heshiis siyaasadeed uga gaaraan hirgalinta qaabkii doorasho ee 17-kii Sebteembar”.