VIDEO: Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh oo Shir jaraa’id qabtay

Madaxweynayaashii hore ee Dowladda Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan oo Shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in Ciidanka dowladu ku soo weeraray caawa si loo joojiyo banaan baxa nabadeed ay ku baaqeen.

Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mar kale ku celiyeen in banaan baxu qabsoomayo subaxdii oo aan wax iska badlay aysan jirin.