Qoorqoor oo magacaabay Taliyaha Ciidanka Daraawiish-ta Galmudug

Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), ayaa magacaabay goor-dhaweyd Taliyaha iyo Taliye ku-xigeenka Ciidanka Daraawiish-ta Galmudug.

Halkaan hoose ka akhriso Wareegtada kasoo baxday Madaxweyne Qoorqoor.

Wareegto kasoo baxday xafiiska Madaxweynaha Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye, kuna taariikhaysan 20-2-2021 ayaa lagu magacaabay taliska guud ee ciidamada Daraawiishta Dowladda Galmudug.

Madaxweynuhu: Markuu arkayawoodda uu siinayo dastuurka & ahhmiyada ay leedahay in la magacaabo taliska guud ee ciidanka Daraawiishta Galmudug.

Markuu La-Tashaday; Madaxweyne-ku-xigeenka, tixgeliyeyna aqoonta iyo waaya-aragnimada ay u leeyihiin maamulka ciidanka, howlaha amniga iyo deegaankaWuxuu u magacaabay saraakiishan;

1. G/le Sare Maxamed Nuur Cali (Gidaar), Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Dowladda Galmudug

2. G/le, Cabdikariin Maxamuud Maxamed (Kheyre),Taliye kuxigeenka Ciidanka Daraawiishta Dowladda Galmudug.

Ugu danbayntii, waxaa lafarayaa dhammaan hay’adaha kala duwan ee Galmudug in ay la shaqeeyaan taliska cusub ee la magacaabay si ay u gutaan waajibaadkooda shaqo.