Ciidanka Dowladda oo toogasho ka geystay Daljirka daahsoon

Askari katirsan Ciidanka Dowladda ee ku sugan Taalada daljirka daahsoon aya caawa toogtay Nin magaciisa lagu soo koobay Abkow Cambuure, oo kamid ahaa howlwadeenada Gobalka Banaadir.

Lama oga sababta loo dilay Marxuumka, balse wararka qaar ayaa sheegaya in Marxuumka iyo Askariga Toogtay uu is fahamwaa soo kala dhaxgalay.

Abkow Cambuure ayaa caan ka ah Gobolka Banaadir waxaana uu la soo shaqeeyay Maamuladii hore ee Gobolka Banaadir.