Ciidanka PSF-ta Puntland oo wada howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab (Sawirro)

Ciidanka Amniga Dowladda Puntland ee PSF-ta ayaa howlgallo ka dhanka Kooxda Argagixisada ah Al-Shabaab ka sameeyay degaanada Ceel Kharaar, Dameer,Ceel Cadayle iyo Xamur ee Buuraha Cal Madow.

Howlgalkan ayaa si gaar ah ay Ciidammada PSF uga bartilmaameedsanayeen maleeshiyaadka Al-Shabaab ee miinooyinka galiya Wadada u dhexaysa Sugure, Balli-khadar iyo Galgala, kuwaas si dhuumaleysi ah ugu jira Buuraleyda Gobalada Bari iyo Sanaag.

Ciidammada PSF Puntland ayaa maalmihii u dambeeyay xoojiyay howlgalada ka dhanka ah Argagixisada, iyagoo dhowaan Magaalada Boosaaso iyo Buuraleyda Galgala ku qabtay maleeshiyaad kamid ah Al-Shabaab kuwaas qorsheynayay inay dhibaateeyaan Shacabka Puntland.