DFS oo ka hadashay Shirka Muqdisho iyo walaaca Caalamka (Akhriso)

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu shaaciyey in Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland aysan weli aqbalin casuumaddii uu u fidiyey madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, kaas oo iclaamiyey shir lagu balansanaa inuu Muqdisho ka dhaco intii u dhaxeysay 18-kii ilaa 19-kii bishan.

Qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya oo ku qoran luuqada Englishka, kana kooban laba bog ayaa lagu yiri “Dhammaan madaxda maamul goboleedyada, marka laga reebo labo, waxay ka jawaabeen caasuumaddii madaxweynaha, waxayna diyaar u yihiin inay taageeraan heshiiskii guddiga farsamada ee Baydhaba.”

Sidoo kale dowladdu waxay qoraalkan ku soo dhaweysay baaqyada caalamiga ah ee tilmaamaya in deg deg xal looga gaaro khilaafka hareeyey dorashooyinka Soomaaliya.