Imaaraadka Carabta oo cambaareeyay rabshadihii ka dhacay Muqdisho

War-saxaafadeed kasoo baxay Dowladda Imaaraadka carabta ayaa looga hadlay xaalada cakiran ee Magaalada Muqdisho iyo Rabshadihii ka dhacay jimcihii, kuwaas oo yimid kaddib markii Ciidan ka amar qaata Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday Maxamed C/llaahi Farmaajo ay weerareen Madaxweynayaashii hore ee Dalka iyo Bannaan-baxayaal ay horkacayaan Musharixiin.

“Isutaga Imaaraatka Carabta ayaa walaac xoogan ka muujisay xaalada kasii daraysa ee caasimada Soomaaliya ee Muqdisho, taasoo ka dhalatay rabshadaha socda iyo awooda xad dhaafka ah ee loo adeegsanayo dadka shacabka ah ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda Imaaraadka Carabta.

Sidoo kale, Imaaraatka ayaa Dawladda Faderaalka Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo ugu yeertay magaca ahaan dawlad  ku-meel gaar ah, maadama uu dhamaaday muddo-xileedkii Hay’adaha Dastuuriga ah.

Ugu dambeyntii, Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa ugu baaqday dhamaan  dhinacyada in ay muujiyaan tanasulka iyo is xakameynta si loo gaaro himilooyinka Soomaaliya.