Jubbaland oo u yeertay Wasiiro ka joogay Muqdisho

Dowlad Gobaleedka Jubbaland ayaa u yeeray xubnihii ku matalayay Guddiga farsamo ee dhowaan ku shiray magaalada Baydhabo, kuwaas oo magaalada Muqdisho u joogay qaban-qaabada imaanshaha Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam.

Xubnaha oo kala ahaa Wasiiru-dowlaha Madaxtooyadda Jubbaland Xirsi Jaamac Gaani iyo Wasiirka Caafimaadka Jubbaland Mursal Maxamed Khaliif, ayaa dib ugu laabtay magaalada Kismaayo. sababta ay ayaana lagu sheegay xaalada kacsan ee ka jirta Muqdisho.

Madaxweyne ku-xigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan, ayaa sheegay in Jubbaland ay ka fiirsan doonto in Madaxweyne Axmed Madoobe uu tago Muqdisho, kana qeyb-galo Shirka dhameystirka heshiiskii doorashooyinka, maadama xaalada amni ee Muqdisho aan la isku haleyn karin.