Madaxweyne Deni oo dib u dhigay Safarkiisii Muqdisho

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, oo lagu waday inuu saacadaha soo socda u safro magaalada Muqdisho ayaa ka baaqsaday safarkiisa Muqdisho, kaddib dagaaladii jimcihii ka dhacay magaalada Muqdisho iyo weeraradii Ciidammo ka amar qaata Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ay ku qaadeen Musharixiinta Madaxweynaha.

Saraakiil kamid ah Madaxtooyadda Dowladda Puntland ayaa inoo xaqiijiyay in safarka Madaxweyne Deni dib loogu dhigay sababo Amni, maadama xaalada Muqdisho aan la isku haleyn karin ayna ka dhaceen falal amni-darro oo ay hormuud ka yihiin Madaxda DFS ee muddo-xileedkoodii dhamaaday.

Sidoo kale, Saraakiisha ayaa sheegay in Hay’adaha amniga Puntland ay darsi doonaan waqtiga ugu haboon ee Madaxweynuhu tagi karo Muqdisho iyo goobta ugu haboon ee uu degi karro ama uu kaga qeyb-gali karo Shirka dhameystirka heshiiska doorashada.

Dowladda Puntland oo War-saxaafadeed soo saartay Jimcihii ayaa si adag u cambaareeysay dagaaladii ka dhacay magaalada Muqdisho, kuwaas oo u dhexeeyay Ciidammo kala taabacsan Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ee DFS Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Midowga Musharixiinta.