Safiirada Beesha Caalamka oo shir ku leh Xalane

Wakiillada Beesha Caalamka ayaa kulan aan caadi aheyn ku leh xerada Xalane ee magaalada Muqdisho, kaas oo looga hadlayo xaalada cakiran ee Soomaaliya iyo rabshadaha kasoo cusboonaaday Muqdisho.

Shirka oo ay horkacayaan Safiirada Qaramada Midoobay, Mareykanka, UK iyo Midowga Yurub ayaa si gaar ah loogu hadlayaa weeraradii habeen hore illaa shalay ka dhacay Muqdisho ee lagu qaaday Musharixiin ay kamid yihiin Madaxweynayaashii hore ee dalka, Ra’iisul Wasaarihii hore iyo heshiis la,aanta siyaasadeed ee doorashada xilli uu dhamaaday muddo-xileedkii Madaxda DFS.

Gaba-gabada Shirka ayaa lagu wadaa in laga soo saaro War-saxaafadeed ku qoran looqad adag, oo looga hadlay arrimaha ka taaqan Muqdisho, fariino loogu dirayo Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ee DFS iyo Madaxweynayaasha Dowlad Gobaleedyada.
Wixii kasoo kordha kala soco Idil News.