VIDEO: Jubbaland oo ka fiirsanaysa ka qeyb-galka Shirka Muqdisho

Madaxweyne ku-xigeenka Dowlad Goboleedka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa sheegay in Jubbaland ay ka fiirsaneyso ka qeyb-galka shirka uu ku dhawaaqay Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmajo.

Maxamuud Sayid Aadan oo la hadlay BBC-da ayaa sheegay in Jubbaland ay muhiim tahay inay shirkaasi ka qeyb-gasho, hayeeshee haatan aysan muuqan wadadii ay uga qyeb-geli laheyd.

Ugu dambeyntii, Madaxweyne ku-xigeenka Jubbaland ayaa si cad u sheegay in ay qiimeyn doonaan xaalada Magalada muqdisho oo saacadihii la oo dhaafay ay  ka dhaceen dagaalo u dhaxeeyay Ciidamo ka tirsan dowladda &  kuwa taageersan Midowga Musharixiinta.

Warkan kasoo yeeray Dowlad Gobaleedka Jubbaland ayaa kusoo aadayaa xilli uu dib u dhacay shirka wadatashiga doorashooyinka, kaas oo qorshuhu ahaa in uu Muqdisho ka furmo 18-kii B ishaan.