VIDEO: Sheekh Shariif oo digniin adag u diray Ciidanka Dowladda

Madaxweynihii hore ee Dowladda Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Midowga Musharaxiinta Shariif Sheekh Axmed, oo Shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay inay joogteyn doonaan bannaan baxyada ka dhanka Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ee DFS, si ay shacabka u muujiyaan rabitaankooda iyo in dalka aysan ka abuurmin diktaatooroyad.

Shariif Sheekh Axmed ayaa digniin u diray Ciidamada Dowladda ee ka amar qaata Farmaajo, isagoona sheegay inay cadaaladda hor imaan doonaan kuwii qeybta ka ahaa weerarkii lagu qaaday Isaga iyo Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud iyo Bannaan-baxayaashii ay horkacayeen Musharixiin uu kamid yahay Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre.