Xoghayaha Guud ee QM oo walaac ka muujiyay dagaaladii Muqdisho

Berlin, Germany - November 04: Antonio Guterres, High Commissioner for Refugees of UNHCR, attends a press conference in german foreign office on November 04, 2015 in Berlin, Germany. (Photo by Michael Gottschalk/Photothek via Getty Images)

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa ka hadlay shaqaaqooyinkii ka dhacay shalay magaalada Muqdisho isagoo walaac ka muujiyay rabshadaha ka qarxay Muqdisho.

Antonio Guterres ayaa ugu baaqay dhammaan dhinacyada inay is xakameeyaan oo ay is dejiyaan.

“Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay wuxuu ku boorrinayaa Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo hogaamiyaasha Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Federaalka inay si deg deg ah isugu yimaadaan oo ay dhameystiraan heshiis siyaasadeed oo ku saabsan wadada loo marayo doorashooyinka qaranka, iyadoo la waafajinayo qaabka doorashada ee 17ka Sebtember.”ayuu yiri xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay.

Xoghayaha guud wuxuu kaloo ku baaqayaa in si buuxda loo ixtiraamo xuquuqda isu imaatinka nabadeed iyo xorriyadda hadalka.

Wuxuu mar kale ku celinayaa taageerada buuxda ee Qaramada Midoobay ee shacabka iyo Dowladda Soomaaliya ee ku aaddan waddadooda ku aaddan nabadda, xasilloonida iyo barwaaqada.