Akhriso: Midawga Musharrixiinta madaxtinimada oo codsi u diray Golaha amaanka QM

Midawga musharrixiinta ayaa warqad ay u direen Madaxweynaha Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay, Marwo Dame Barbara Woodward, waxay dalbadeen in xaaladda Soomaaliya si dhaw loo soo farageliyo si loo fududeeyo in si dhaqso leh looga hirgeliyo geeddi-socodka doorashooyinka Soomaaliya, loona hubiyo in si deg-deg ah loo qabto doorashooyinka baarlamaanka iyo madaxweynaha.

Musharrixiinta ayaa ku eedeeyay madaxweynaha mudda xileedkiisu dhamaaday iyo xulafadiisa maamulka ay diideen ka shaqeynta fududeynta doorashooyin xor iyo xalaal, waxayna intaa ku dareen in hadii Golaha Amnigu uusan fara gelin uu Farmaajo sii wadi doono carqaladeynta dadaallada lagu doonayo geeddi-socod doorasho oo dimuqraadi ah.

Warqaddooda ayey ku sheegeen in xiisadda siyaasadeed ee hadda jirta oo khatar ku ah xasilloonida Soomaaliya ay ka dhalatay Siyaasada Farmaajo ee lagu bartilmaameedsanayo Dowladaha xubinta ka ah Federaalka iyo kuwa siyaasad ahaan kasoo horjeedda oo ay weheliso ficilkiisa ula kaca ah ee sida joogtada ah dib loogu dhigo doorashooyinka si loo raadiyo muddo kordhin sharci darro ah ama awood lagu qabsado qaab militari.