Jubbaland oo dalab adag hor-dhigtay ka qeybgalka Shirka Muqdisho (Akhriso)

War-saxaafadeed kasoo baxay Dowladda Jubbaland ayaa looga hadlay xaalada Dalka gaar ahaan dagaaladii jimcihii ka dhacay Magaalada Muqdisho iyo Dhameystirka heshiiska Doorashada dalka.

Jubbaland ayaa ugu baaqday dowladda Federaalka inay garawshiyo iyo raalli gelin ka bixiso tallaabadii lagu weeraray Musharaxiinta, in la isugu yimaado shir ay ka soo qeyb galaan dhammaan saamileyda siyaasadeed, iyadoo goobta uu shirkaas ka dhacayo ay noqoto meel amnigeeda lagu kalsoonaan karo, mas’uuliyadeedu lahaato Beesha Caalamka.

Sidoo kale, Jubbaland ayaa dalbatay in la helo damaanad qaad ku aadan fulinta natiijada shirkaas iyo in Madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday ka dhex baxo oo uusan door ku yeelan hannaanka doorashooyinka, si loo helo kalsoonida saamileyda siyaasadeed ee dalka.