Maxaa looga hadlayaa kulanka berri ee Madaxweynaha Puntland iyo Beesha Caalamka ?

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni iyo Wakiillada Beesha caalamka, ayaa maalinimada berrito ah yeelanaya kulan aan caadi aheyn oo ku qabsoomaya Aalada Zoom-ka ah.

Kulanka oo ay kasoo qaybgalaya dhamaan Wakiilada Beesha Caalamka ee Somaliya, ayaa inta uu socdo looga hadli doonaa xaalada Guud ee Soomaaliya, gaar ahaan

1.Shirkii la filayay in uu Muqdisho ka qabsoomo.

2.Ka baaqashada Shirkaas ee Puntland iyo Jubaland.

3.Aragtida Puntland ee Shirkaas iyo rabshadihii ka dhacay Muqdisho.

Sida aan xogta ku helay Madaxweynaha Puntland waxay ugudbin doontaa Beesha caalamka iyo kulanka Isniinta ee Golaha amaanka qodobo ay ka mid yihiin…

1.In Madaxweynaha wakhtigu ka dhamaaday uu kasoo tagay Shirkii Dhuusamareeb,iyadoo wax walba laysku afgartay.

2.Kulankii Gudiyada Farsamada ee Baydhabo markii heshiis lagu gaaray Madaxweynaha wakhtigu ka dhamaaday waxuu Xabad ku weeraray Banaanbaxayaal Nabadeed oo doorasho dalbanaya.

3.Puntland waxay soo jeedinaysaa in la qabto Shir ay kasoo qaybgalaan dhamaan Saamilayda si dib loogu soo cesho kalsoonidii Dadka iyo Midnimadii Umada xal rasmi ahna looga gaaro hanaanka Doorashada.

Jibril Qoobey.