VIDEO: Al-Jazeera oo soo bandhigtay fashilada Dowladda Farmaajo

Barnaamijka Inside Story ee ka baxa mid kamid ah warbaahinta dunida uga caansan ee TV-ga Al JAZEERA ayaa asbuucaan lagu gorfeeyay xaalada cakiran ee ka taagan khilaafka doorashooyinka Soomaaliya.

Barnaamijkaas oo ay ka qeybgalayeen
aqoonyahano soomaaliyeed iyo kuwa ajnabi ah oo si dhaw ula socda xaalada siyaasadeed ee kajirta dalka Soomaaliya, waxyaabihii ugu weynaa ee dooda barnaamijka diirada lagu saaray waxaa kamid ahaa sharciyada dowlada Soomaaliya ee uu waqtiga dastuuriga ahaa ka dhacay, dib udhaca doorashooyinka Soomaaliya iyo xaalada amni iyo siyaasi ay leedahay firaaqa dowladeed ee ay sababtay xukuumadii hore ee uu hogaaminayay Madaxweynihii waqtigiisu dhacay ee Mudane Mohamed C/laahi Farmaajo.