VIDEO: Dubbe “Imaaraadku wuxuu nala rabaa sida Libya iyo Yemen”

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda xil-gaarsiinta ah Cismaan Abuukar Dubbe, oo Shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa eedeymo u jeediyay Dowladda Imaaraadka carabta, isagoona sheegay inay Soomaaliya la doonayso sida dalalka Libya iyo Yemen.

Wasiir Dubbe ayaa sheegay in Imaaraadka Carabta ay ka doonayaan raalli-galin, maadama Dowladda Federaalka Soomaaliya ee xilligan jirta ay ku tilmaameen Dowlad KMG ah.