VIDEO: Madaxweyne Deni “Farmaajo wuxuu yiri Heshiiskii 17-Sep ma ogalaadeenee..”

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa caawa Bulshada Puntland kala hadlaya marxaladaha siyaasadeed ee hadda taagan.

Madaxweyne Deni ayaa banaanka keenay xaqiiqooyinka Shirarkii uu la galay Farmaajo iyo qorshihiisa la xariira Kali-talisnimada.

“Wuxuu FARMAAJO nagu qabsaday markii aan Xamar tagnay- Aniga iyo Axmed Madoobe maxaad ula kulanteen siyaasiyiinta iyo odayaasha Hawiye,

“Dadkaasi waa iska qeylinayaan Aniga Ciidan ayaan heystaa cid wax iga qaadi karta ma jirto” ayuu yiri Madaxweyne Deni .

Madaxweyne Deni ayaa intaas ku daray “Mar kale Habeen hore ayuu isoo wacay wuxuuna igu yiri: Heshiiskii 17-ka Septembar ma ogolaadeen ee waxaan u ogolaaday markaad igu tiri waan ku dhisayaa ayaan ogolaaday Doorashada”