VIDEO: Puntland oo Maxkamadeynaysa dad lagu soo qabtay Khamri

Shirka amniga oo ay ka qayb galeen Taliyaasha Saldhigyada loo xil saaray sugidda amniga iyo Saraakiisha Booliska Gobalka ayaa looga hadlay shirka manta iyo sidoo kalle xoojinta amniga ka hortagista Maandooriyaha iyo dhalinyarada dhaca xatooyada u geesta dadweynaha xiliyada habeenkii ah kuwaas oo ay jiraan kuwa badan oo ciidamada ay gacanta ku soo dhigeen Maxkamada La Horgeen doono xili dhow

Kusimaha Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari G/Le Yuusf Cabdi Cartan ayaa ka war bixiyay natiijada shirka amniga isagoona sheegay in la isla gartay in bulshada Gobalka Bari ay muujiyaan xoojinta amniga iyo garab istaag ay siyaan ciidmada Booliska si looga hortago wax walba oo dhibaato amni sameenkara.

Waxa uu sheegay in booliisku ay gacanta ku hayaan shaqsiyaad loo soo qabtay Khamri,Sharcigana la hor gayn doono, waxa uu sidoo kale sheegay in aysan jirin cid sharciga ka wayn, askariga kasta oo ka tirsan ciidamada amniga ee dhib u gaysta mawaadinksta sharciga la marsiin doono.

Sarakiisha Boolsika Gobalka Bari ayaa ugu danbeyn Shacabka Bosaaso ka codsaday in laamaha amniga ay kala shaqeeyaan sugidda amniga iyo hagaajintiisa.