Cabdiraxmaan Cabdishakuur “Dani wuxuu sawir ka bixiyey muuqaalka siyaasadeed ee Farmaajo”

Musharax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ka hadlay khudbadii adkeyd ee uu xalay ka jeediyay Xarunt Cilmi baarista iyo Hormarinta Puntland (PDRC) Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Facebook ayaa amaan u jeediyay Madaxweyne Deni oo uu sheegay inuu Soomaalida u soo bandhigay xaqiiqooyin xanuun badan oo Dalku wajahayo iyo tallooyin u gaar ah Reer Puntland iyo Guud ahaan Soomaalida.

Halkaan Hoose ka Akhriso Qoraalka Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Khudbadda Madaxweyne Deni waxay dibedda soo dhigtay xaqiiqooyin xanuun badan oo la xariira taliska muddo xileedkiisu dhacay ee ina Farmaajo.

Waxaan isku tirinayaa dadka xilli hore fahmay Farmaajo, laakiin fahamkeygu wuxuu ka imaanayey u kuurgelidda habdhaqankiisa, fasiraadda ficilladiisa iyo xogta aan ka helo kooxdiisa. Madaxweyne Saciid wuxuu iiga duwanaa in dareenka tebineed ee khudbaddiisa uu ku dhisnaa waayo-aragnimo iyo falgal toos ah oo uu isagu u joogay.

Saciid wuxuu garaacay gambaleel digniin ah kana turjumaya halista uu dalku marayo. Waxaa lagaa yabaa in qolada Xamar joogta ay horay u yareysaneysay khatarta Farmaajo ka imaan karta ama ay isku haleynayaan beesha Caalamka, halka in kale ay is leedahay waqtigiisii waa dhammaaday oo doorasho ayuu ku baxayaa.

Dani wuxuu sawir ka bixiyey muuqaalka siyaasadeed ee Farmaajo oo leh “ Walaalow maxaa iga rabtaa haddii aan qolada Xamar iyo Baydhabo xukumayo”? Iyo saciid oo leh “ Haddii aad kuwaas xoog iyo cabsi ku xukuntay, innaga iyo Somaliland tii hore ayaad noo celin rabtaa” waa halka uu dadkiisa uga digay in mar kale 80-kii oo kale ka foojignaadaan.

Farmaajo duulaankii uu hoygayga ku soo qaaday 17-kii Dec 2017, iyadoo xilkiisu billaw yahay iyo weerarka uu Khamiistii 18/02/2021 Hotel Maa’idda ku qaaday, isagoo muddo xileedkiisa dhammaaday, ayuu ku tijaabiyey falceliska ka imaan kara Muqdisho.

Farriinta kale ee muhiimka ah waxey aheyd in si wadajir oo aan heyb sooc qabiil laheyn la isaga qabto halista Farmaajo.

Saciid wuxuu fashiliyey shirqoolka Farmaajo ee doorasho beenaadka. Farmaajana wuxuu ku qasban yahay in uu xawligii uu xukunka xoog ugu joogi lahaa sii labanlaabo. Muqdisho maalmo xanuun badan ayaa ku soo wajahan, haddii in aysan bararaarugin inta Farmaajo u shaqeysa ama la shaqaysata ee reer Muqdisho ah.