Ilhan Cumar oo walaac ka muujisay xaalada Ethiopia

Ilhaan Cumar oo ka tirsan gudida arimaha dibada ee Congress-ka Maraykanka ayaa warbixin ka soo saartay xiisadda siyaasadeed ee dalka Itoobiya haatan ka taagan.

Xildhibaanka ayaa ka mid ahayd xubno ka tirsan gudidaas oo dhawaan socdaal ku tagay dalka Itoobiya.

Warbixinta ay soo saartay xildhibaan Ilhaan Cumar oo ay kaga hadashay xaaladda ka taagan gobolka Tigray ee ay dagaalladu ka socdaan, waxaanay carrabka ku dhuftay in colaadda ka socota gobolkaasi dhalisay duruufo aadamenimo oo masiibo noqday oo ay sheegtay in sida qiyaasaha qaarkood tibaaxayaan ay boqolaal kun oo qof macaluul qarka u saaran yihiin.