VIDEO: C/rixmaan C/shakuur “Farmaajo waa fashilmay qorshihiisana waa uu fashilmay”

Musharax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame kana mid ah Midowga Musharixiinta ayaa sheegay in Maalinta Jimcaha ah ee soo socota ay banaanabxa ku qabanayaan Taalada Daljirka Daahsoon ee degmada Boondhgeere welina ka tanaasulin.

C/raxmaan Cabdishakuur oo Muqdisho Warbaahinta kula hadlay ayaa sheegay in hadalkii xalay ee Madaxweynaha Puntland uu fashiliyay qorsho doorasho been ah oo uu waday Madaxweynaha Puntland.

Musharax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa intaas ku daray in Farmaajo uu isku dayi doono in uu ku dhaco isqarxintii ugu dambeeysa, waxaana uu dadka reer Muqdisho ugu baaqay in ay ka digtoonaadaan.