VIDEO: Midowga Musharixiinta oo ku dhawaaqay Banaan-bax kale jimcaha

Gollaha Murashaxiinta oo hadda shir jaraa’id ku qabtay hotel Jazeera ee Magaalada Muqdisho ayaa ku dhawaaqay in Jimcaha soo socda uu banaanbax salmi ahi ka dhici doono Daljirka Dahsoon, waxaanay shacabka ugu baaqeen inay kasoo qayb galaan.

Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in Bannaan-baxa lagu dalban doono doorasho xor iyo xalaal ah inay Dalka ka dhacdo, iyo Kali-taliye dambe uusan dalkan hoggaamin.